(رَبِّ اشْرَحْ لِي صَدْرِي ~ وَيَسِّرْ لِي أَمْرِي ~ وَاحْلُل عُقْدَةً مِنْ لِسَانِي ~ يَفْقَهُوا قَوْلِي)

Wednesday 17 March 2010

Aqoon Isweydaarsi ku Sabsan Horumarinta oo lagu qabtay Magaalada Bosaaso(Sawirro)


Aqoon iswaydaarsigaan oo ahaa mid ay kasoo qaybgaleen masuuliyin ay ka mid ahaayeen Wasiirka Amniga Jenraal Yuusuf Axmed Kheyr,Wasiir Kuxigeenka arimaha gudaha Cabdi Yaasin,Gudoomiyaha gobolka Bari Sheikh C/xaafid Cali Yuusuf,Duqa magaaladda Bosaaso Maxamuud Faarax Beeldaajo,
Aqoonyahano,Culima’udin,ganacsato iyo weliba qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Duqa magaaladda Bosaaso ayaa ka hadlay Furitaanka Aqoon iswaydaarsigaan,waxaana uu ugu horeyn mahadcelin balaaran usoo jeediyey dhamaan dadki kasoo qaybgalay isagoo sheegay in kulankaan uu yahay mid muhiimad xambaarsan oo lagu gorfeynaayo sidii loo hormarin lahaa bilicda magaaladda Bosaaso.
Wuxuuna dadweynihi goobtaasi joogay kula dardaarmay in waxyaabaha maanta la iskula soo hadal qaaday ay noqdaan kuwa hirgela,waxaana uu xusay in maalmaha soo socda ay bilaabi doonaan olole ay qashinka ka aruurinayaan magaaladda isla markaana ka shaqaynayaan nadaafadda guud.
Gudoomiyaha gobolka Bari Sheikh C/xaafid Cali Yuusuf oo isna halkaas hadalo kasoo jeediyey ayaa sheegay in loo baahanyahay wada shaqayn dhexmarta maamulka iyo shacabka,waxaana u ugu baaqay Shacabka Reer Boosaaso in ay la shaqeeyaan maamulka isla markaana ay ka qayb qaatan horumarinta iyo dib usoo celinta bilicda magaaladda oo ay hada wadaan howlahaas maamulka degmadda.

0 comments:

Share

Twitter Delicious Facebook Digg Stumbleupon Favorites