(رَبِّ اشْرَحْ لِي صَدْرِي ~ وَيَسِّرْ لِي أَمْرِي ~ وَاحْلُل عُقْدَةً مِنْ لِسَانِي ~ يَفْقَهُوا قَوْلِي)

Monday 13 September 2010

Safarka Madaxweyne Shariif ee Maraykanka

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Sh. Shariif Sh Axmed ayaa la filayaa in ay soo gaaraan Dalkan Mareykanka.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka qeyb gali doona fadhiga sanadlaha ah ee Qaramada Midoobey, waxaana lagu wadaa in madaxweyne Shariif uu qudbad ka jeediyo kulanka gollaha guud ee QM.

Haddaba Madaxa Shaqaalaha Madaxtooyada C/kariin Xasan Jaamac oo u gogol xaaraya safarka Madaxweynaha ayaa nagu soo booqdey xarunta VOA-da ee Magaalada Washington, wuxuuna ka warramay arrimo ay ka mid yihiin safarka madaxweynaha iyo xaaladda ay ku danbeeyaan guryo ay leedahay dowladda Somalia oo ku yaalla Maraykanka.

0 comments:

Share

Twitter Delicious Facebook Digg Stumbleupon Favorites