(رَبِّ اشْرَحْ لِي صَدْرِي ~ وَيَسِّرْ لِي أَمْرِي ~ وَاحْلُل عُقْدَةً مِنْ لِسَانِي ~ يَفْقَهُوا قَوْلِي)

Wednesday 17 March 2010

25-gabdhood oo Tababar dhanka Isboortiga loogu furay Magaaladda Garoowe(Sawirro)


Fawsiyo Maxamuud Cali oo ka mid ahaan jirtay Ciyaartoydi kubadda Cagta ee Naadigi Horseed xiligi Dowladdi dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa hada ka bilawday magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland tababar ay u furtay gabdho Reer Puntland ah kuwaas oo ay barayso Kubadda Basket Ball-ka,waxaana ay uu ka socda Dugsiga Sare ee Gambool.

Gabdhaha tababarka ay u furtay oo gaaraya 25-gabdhood ayaa mar aan la kulmay Fowsiyo waxaa ay i sheegtay in ay yihin kuwa firfircoon isla markaana niyad u haya in ay bartaan kubaddaas.

Waxaana ay sidoo kale sheegtay in gabadhaan ay hada ka hor u bilawday tababarkaan kaas oo marki ay waday labo bilood ay joojisay ayna sababtu tahay Agab Isboorti la’aan awgeed balse ay hada u bilawday marki ay ka codsadeen gabadhaha.
Macalin Fawsiyo ayaa rajo wanaagsan ka bixisay hadi tababarkaan u dhamaado in gabdhahan ay noqon doonaan kuwa guulo badan u keeni karaan degaanadda Puntland hadi ay helaan ciyaaro ay kaga qayb galaan dalka dibadiisa hase yeeshe Fawsiyo oo hore uga qaybgashay ciyaaro ka dhacay dalka dibadiisa ayaa sheegtay in waagas ay soo hanteen guulo badan.
Waxaana ay hada ka tirsantahay Wasaaradda Isboortiga Dowladda Puntland ayaa tibaaxday in dadka qaybtood ay ka aaminsanyihin gabdhaha hadii la baro ciyaaro ay akhlaaq ahaan xumaanayso balse taas ay tahay qalad dadka qaybti aaminsan oo ay waxtar u tahay maskax iyo jir ahaan.
Ugu dambeynti ayay Fowsiyo dadka Reer Puntland meel kasta ay joogaan ugu baaqday in ay kala qayb qaatan tababarka noocaan oo kale kaas oo ay ku horumarinayso Ciyaaraha Puntland khaasatan kuwa Basket Ball-ka ee gabdhaha lagu baraayo.

Tan iyo marki ay burburtay Dowladdi dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa hoos u dhacay isla markaana sidoo kale burburay ciyaarihi kala duwanaa ee laga ciyaaray dalka Soomaaliya,waxaana tan ay u muuqata mid Macalin Fowsiyo ay ku doonayso in ay dib ugu soo noolayso qaar ka mid ah ciyaarahaas oo ay ku jirto kubadda Basket Ball-ka.

0 comments:

Share

Twitter Delicious Facebook Digg Stumbleupon Favorites